U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo Kulmay

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta waxaa uu la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, guddiga ayaa guddoomiyaha kala haday arrimo dhowr ah oo quseeya shaqa loo idmaday.
Guddigaan ayaa guddoomiyaha Madoobe la wadaagay warbxin ku aaddan shaqooyinkii ay soo qabteen muddadii ay jireen waxa ayna baarlamaanka ka codsadeen in lagala shaqeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa, si looga fogaado wax isdamarin, maadama iyaga loo idmaday la socdka kiisaska la xiriira.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa soo dhoweeyay shaqada guddigan islamarkaana sheegay in lagu gacan siin doono sidii shaqadooda ay u qabsan la haayeen ayna u gudan lahaayeen howlaha loo idmaday” ” Waan  soo dhoweeynayaa shaqada guddigan gacanne waa in laga  siiyo, siday shaqadooda ay u qabsan la haayeen” ayuu yiri.
Goobjoog News