U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Jaamacadda Carabta oo Kulmay

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula qaatay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.
Danjiraha oo Guddoomiyaha ugu mahadceliyey soo dhoweynta loo samaayey ayaa xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  kaalin muuqato uu ku yeesho Jaamacada carabta oo uu ka tirsan yahay Baarlamaankeeda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlmaanka Federalka Soomaaliya  ayaa Jamaacada carabta ku amaanay in doorka muhiimka ah ay ku leedahay iskaashiga dhanka horumarada iyo tayeynta howl-wadeenadda Golaha Shacabka.
Goobjoog News