U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi U Magacaabay Dhacadadii 7-da Bisha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Adaan Maxamed Nuur Madoobe ayaa guddi u magacaabay baarista dhacdadii 7-da bisha ka dhacday kulanka golaha shacabta, taas oo ay sameeyay xubno ka tirsan xildhibaannada , waxaana xilligaas xarunta ka socotay ansixinta xukuumadda Danqaran ee Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre uu soo magacaabay oo la meel mariyay.

Guddigaan la magacaabay oo ka kooban Shan xubnood ayaa waxaa kamid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed Odawaa, waxaana shaqadoodu tahay in xog sax ah ay ka soo u ruuriyaan sida dhacdadaan u dhacday iyaga oo wareysanaya xildhbaannadii xaadirka ku ahaa xarunta Villa Hargeysa maallintaas, iyagoo warbixinta kusoo celin doonaa guddoomiyaha.

Xildhibaannadii maalintaas dhacdadaan sameeyay ayaa waxaa laga yaabaa in guddiga anshaxa golaha shacabka ay kusoo rugaan ciqaab ganaax ah, maadaama waxyaabihii maalintaas dhacay ay ahaayeen wax ka baxsan anshaa golaha, iyadoo muuqaalka socday uu ahaa Live toos ah,  taas waxaa ay sumcad darri ku tahay Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka.

No photo description available.

No photo description available.

Goobjoog News