U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Ka Hadlay Mudaharaadyadii Somaliland Ka Dhacay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyahay golaha shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dhankiisa waxaa uu  baaq u diray hoggaanka Somaliland, waxaana uu sheegay in  looga baahan yahay in ay xaaladda dejiyaan oo liiska wadahadalka la isugu yimaado, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatadii ka dhalatay Bannaabaxyadii rabshada watay ee dhacaky

“Waxaan ka xumahay dhibaatadii ka dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo kamid ah magaalooyinka Somaliland ee sababtay dhibaatada soo gaartay dadka shacabka ah. Waxaan u tacsiyeynayaa ehellada dadkii ku geeriyooday, dadka ku dhaawacmay waxaan Allah SWT uga baryayaa inuu siiyo caafimaad sariic ah” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.

“Masuuliyiinta Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay xaaladda dejiyaan dib na ugu laabtaan miiska wada hadalka kana digtoonaadaan wax kasta oo nabadda iyo degenaashiyaha wax u dhimi kara, garowsadaanna inaan xal lagu gaarayn colaad iyo dagaal midna” ayuu kusii daray hadalkiisa guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa gabagabadii hadalkiisa waxaa uu ku sheegay in loo baahan yahay in dhaqanka iyo waxgaradka ay ku dadaalaan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, taas oo uu sheegay in muddo dheer lasoo unkayay, waxaana uu xusay in laga baaqsado dagaalka iyo rabsho dambe in ay ka dhacaan oo wadahadal lagu xaliyo.

“Ugu dambeyn waxaan u soo jeedinayaa odoyaasha dhaqanka, wax garadka iyo Guurtida Somaliland inay gacan ka geystaan sidii xaaladda loo dajin lahaa nabadda iyo xasilloonidana loo ilaalin lahaa si shacabka u nabad galo. Somaliland waxay ku amaanan tahay dimuqraadiyadda iyo nabadda waana wax laga xumaado in xilligaan dagaal laga baaqsan karay iyo rabshado ay wiiqaan nabaddii mudada dheer la soo ilaalinayay” ayuu ku yiri gagabadii hadalkiisa guddoomiye Aadan Madoobe.
Hadalka kasoo baxay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo mucaaradka Somaliland ay sheegeen in ay sii wadayaan Bannaanbaxyada looga soo horjeedo xukuumadda, iyagoo hadallo xanaf leh hawada isku mariyay xukuumadda iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI.
Goobjoog News