U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Baarlamaannada Afrika

Sheeko:Caalamka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur Maddobe ayaa ka qeyb galay shirweynihii 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda heer qaran iyo heer gobol ee Afrika oo maanta ka furmay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Aadan Madoobe  oo khudbad ka jeediyey shirweynaha amadasha shirka yaa sheegay saameynta isbedelka cimalada Africa iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta ay wajaheeyso qaarada Africa ayadoo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneyso wax-soo saarka iyo saameenta cudurka Covid-19.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ahmiyad gaar ah siinaya in iskaashi balaaran laga sameeyo sidii looga hortagi laa abaaraha soo noqnoqodey waxaana uu u rajeeyey in shirka wax lataaban karo ay ka soo baxaan sidoo kale waxa uu u mahadceliyey cidkastoo ka qeyb qaadatey.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa adkeeyey in baarlamaannadda Afrika ay fuliyaan wixii ay ka balan qaadeen shacabkooda ummadda qaaradana lagu wacyi-geliyo kordhinta wax-soosaarka iyo beerashada dhulka, waxaana uu xusay in looga gudbi karo baahida.
Goobjoog News