U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo La Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Netherlands

Sheeko:Caalamka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada The Hague ee dalka Boqortooyadda Netherlands kulan kula qaatay Marwo Vera Bergkamp oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada baarlamaan iyo is-dhaafsiga aqoonta ee la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadennada baarlamaanada ladaba wadan, guddoomiyaha ayaa dhowaan dalkaas isaga oo inta uu ku sugan yahay dalkaas waxaa uu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliyeed  Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiintooda uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa waxa uuna la wadaagay dagaalka Dowladda Soomaaliyeed ay kula jirto  Al Shabaab iyo muhiimada ay leedahay in degaannadda laga xorreeyay la gaarsiiyo gargaar bani’aadanimo iyo adeegyada kale ee nolosha bulshada aas-aasiga u ah.
Goobjoog News