U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo La Kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster, kulanka ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka Al-shabaab, kulanak ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Xoghayaha golaha shacabka Cabdikariim Buux.

Danjiraha Dowladda Ingriiska ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga Tacsiyaysay Geerida Taliyihii Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Marxmuum Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure, oo ku shahiiday dagaalka la gula jiro Kooxda aragagaxisa Al-Shabaab, iyadoo soo hadal qaaday taageerada golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb.

Kate Foster ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ay taageereyso dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira qaar ka mida ah gobolada dalka, oo xilligaan cabsi badan laga qabo wallow dhowaan la filayo in uu da’do roobka Deyrta, iyadoo goboollada qaar deegaanno kamid ah laga roobsaday maalmihii tagay, waxaana wali deegaannada qaar ee Koonfurta iyo Bartamaha ka jirta abaar baahsan oo dadka saameysay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan ayaa  boggaadiyay taageerada Dowladda Ingriiska ay lagarab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed Isla markaana ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu horumarinaayo amniga, dhaqaalaha, iyo taageerada Golaha Shacabka Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliyeed ay siiso dowladdeeda.

Goobjoog News