U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo La Kulmay Safiirka Dowladda Sucuudiga

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Sacuudi Carabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad, waxaana uu soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan uu u siday guddoomliyaha golaha shacabka.
Safiirka oo Guddoomiyaha kala hadlay arrimaha horumarinta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  iyo sidi loo tayeyn-lahaa shaqaalaha iyo sidoo kale waxaa uu soo gaarsiiyay dhamaal salaan ah uga siday dhigiisa Guddoomiyaha Golaha fadhiga shuyuuqda dalka Boqortooyada Sucuudiga
Danjiraha ayaa dhanka kale sheegay in Guddoonka Golaha shacabka dadaal dheer ku bixiyeen dhismaha Hay’adda ugu sarreysa ee dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya , Guddoomiyaha ayaa dhankiisa safiirka ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee Boqortooyada Sucuudiga la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Goobjoog News