U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo La Kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.
Danjiraha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameysay abaaraha dalka ka jira, islamarkaana Golaha Shacabka BJFS ay kala shaqeyn doonaan horumarinta hawlwadeenada.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka carabta sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo xilligaan ay heyso abaar baahsan. isagoo sheegay in la xoojin doono xirirka labada Baarlamaan ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.
Goobjoog News