U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Midowga Yurub

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska Africa (EUSR) marwo Annette Weber oo ay wehlineysay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya marwo Tiina Intelmann.
Kulanka oo looga hadlay xiriirka labada dhinac iyo taageeradda Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo safiirku ay sheegtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub sii laba laabidda taageerada dowladda Soomaaliya, waxaana xilligaan dalka ka jirta Abaar baahsan, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada intaba.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa dhankiisa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, xilli dhowaan Soomaaliya ay dooratay madaxweyne cusub oo siweyn dunida looga soo dhoweeyay mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
Goobjoog News