U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Waqtiga u Kordhiyay Guddiga Dib u Eegista Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddiga gaar-ka ah ee kasoo talabixinta soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah  ee horay ay u magacaawday Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka u kordhiyay muddada si ay talabixintooda u soo gabagabeeyaan, markaas oo loo gudbinayo golaha shacabka si ay u meel mariyaan wax ka bedelka ay sameeyeen.

Guddiga ayaa waxaa lagu amray in ugu dambeyn ay shaqadoodu kusoo dhameystiraan 15-ka May 2023, wax ka bedelka iyo sidoo kale kaabista lagu sameynayo Dastuurka dalka ayaa waxaa uu yimid, kadib markii 97 xildhibaan guddoonka ay u gudbiyeen 13-kii February 2023, waxka bedelka Dastuurka ayaa dhaliyay doosd ka timid dhinaca mucaaradka oo sheegay in madaxweyne Xasan iyo xukuumaddiisa ay muddo kordhin doonayaan sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed kasoo baxay.

Qodobada qaar ee la sheegayo in wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa waxaa ka mid ah kala sareynta awoodaha labada heer dowlad iyo muddo xileedkka hey’adaha dowladda oo la sheegayo in laga dhigayo 5 sano sida uu ku qornaa Dastuur 1960-kii, marka laga tago hadallada mucaaradka majiro wax war acad ah oo ku aadan muddo kororsiga oo kasoo baxday madaxda sare ee dowladda iyo sidoo kale xukuumadda iyo labada gole ee Baarlamaanka 11-aada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya .

No photo description available.

No photo description available.Goobjoog Newsa