U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir oo Hambalyo u Diray Sheekh Aadan Madoobe

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye kuxigeenkii hore  ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa hambalyo waxaa uu u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo habeenkii xalay lagu doortay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in Madoobe uu yahay  isbedel dalka u baahan yahay sida uu yiri.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa loo doortay (27-28 April, 2022) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11 ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Guddoomiye Aadan Maxamed Nur ‘Madoobe’ waxay hormuud u tahay isbeddelka dalkaan u baahan yahay. Waxaana guddoomiyaha ugu duceynayaa in uu Ilaahay u fududeeyo mas’uuliyadaan culus ee loo igmaday”
Tan iyo markii Sheekh Aadan Madoobe uu noqday guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad  ayaa waxaa  isoo tarayay madaxda kala duwan ee u diraysa hambalyada, Aadan  Madoobe ayaa cod aqlabiyad leh kaga soo baxay mushararaxii kula tartamay kursiga Xasan Cabdi Nuur, waxaana uu ku guulaystay Sheekh Aadan 163.
Goobjoog News