U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Axmad Oo Soo Xeraya Tartanka Degmooyinka Galmudug 2018

Sheeko:Baarlamaanka

Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2018 oo ay soo agaasimeeen maamulka ciyaaraha.

Waxaa tartanka ka qeyb galay ilaa lix degmo oo kala ah Gaalkacyo, Balanbale, Dhuusmareeb
Caabudwaaq, Cadaado iyo Hobyo,  waxaana fiinaalka iskugu soo haray degmooyinka kala ah Gaalkacyo iyo Balanbale.

Bishii hore, 26-keedii ayuu tartanka si rasmi uga furmay garoonka Cabdullahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo waxaana ciyaartii kowaad lagu daah furay degmooyinka final-ka taagan ee kala ah Gaalkacyo iyo Balanbale waxayna ciyaartaasi ay ku dhamaatay barbaro.

Shalay gelinkii danbe waxaa magaalada magaalada Gaalkacyo gaaray guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed  si uu usoo xero ciyaaraha degmooyinka Galmudug, isagoo horay ugu ammaanay maamulka isboortiga degaanka kuna taliyay in la joogteeyo tartamadan oo kale si Galmudug ay ula jaanqaado gobolada ee dalka oo ku hormaray isboortiga.

Duqa Gaalkacyo Xirsi Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii guddoomiye Abshir Axmed soo dhoweeyey, wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdiga guddoomiye xigeenka koowaad ee aqalka sare ee baarlamaanka 10aad Senator Abshir Maxamed oo gaaray Gaalkacyo.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: