U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Axmed Oo Ku Canaantey Guddiyada Dastuurka iyo Doorashada Jadwaleyn La’aanta Howlaha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo maanta shir guddoominayey kulanka aqalka ayaa bogaadiyey warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka ee halkaasi laga jeediyey balse waxaa uu guddigaas iyo midka doorashada ku canaantey sida aaney u waqtiyeyn jidka la marayo, jadwaleynta  iyo cidda mas’uuliyad qaadaneysa.

Mudane Abshir oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri “ Guddiyada madaxa bannaan ee la sameeyey ha noqdo guddiga dastuurka ama guddiga doorashooyinka  ma sheegaan, ma yiraahdaan haddii caqabadahaas ama arrimahaas aan u baahanahay aanan helin ama caqabada na hortaagan aan nala kala hor wareejin mas’uuliyadda naloo igmaday naluma oga, waxaa dalka dhaqan ka noqotey inuu guddi walbo ama qof kasta yiraahdo waa mas’uuliyad wadareed, dalka mas’uuliyad wadareed ma jirto ee waxaa jirto waxqabad wadareed, waxbaa la isla qabaa, ee mas’uuliyadda cidbey dusha uga dhaceysaa…arrimaha u baahan heshiisyada siyaasadeed hal iyo labo mooyee weli laga hadal, oo aysan ku cadeen jadwal arrimahaas wax looga gaaryo, waxaa nasiib darro in dastuurkeenna uu 6 sano ku jiro dib u eegis”.

Guddoomiye Abshir Axmed waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aan lagu soo darin caqabada in haddii Somaliland aysan geedi-u-socodka ku soo biiray aanu dhameystirmi karin.

“Caqabadaha kama muuqan in haddii Somaliland aysan geedi-u-socodka si toos ah ugu soo biirin dastuurka inuusan noqon doonin dastuur ebyama, oo dastuur gebo-gebo ah, Soomaaliya dastuurkeeda ma dhameystirmi karo haddii aysan kasoo qeyb gelin aftideeda iyo ansixinteeda Somaliland”.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka golaha aqalka sare Abshir Axmed waxaa uu faray laanta fulinta iney hormuud ka noqoto doonista Somaliland, si ay u dhameystiranto midnimada Soomaaliya, waxaanu balan-qaadey in ka aqal ahaan ay kaalintooda qaadan-doonaan.

Goobjoog News