Guddoomiye Abshir Axmed oo qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub+sawirro

Wafdigan ka socda midowga Yurub oo isniintii soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed iyo xubnaha guddiga Maaliyadda ee aqalka sare ayaa la kulmay wafdigaasi.

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa la isla soo hadal qaaday taageerada midowga Yurub ee Soomaaliya,gaar ahaan Aqalka Sare,,qaabka loo maareeyo taageerada,waxaana ay ahaayeen koxda farsamada caawinaada miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen arrimo kale oo ay kamid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Goobjoog News

????????????????????????????????????

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW