Guddoomiye Abshir  oo Sharraxaya Waxqabadka Baarlamaanka ee Ka Horeeya imaanshiyaha GMDQ

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo shalay ka hadlay kulankii ay yeesheen guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha la qaban doono muddada u dhaxeysa xilliga uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka  iyo waqtiga guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ay hortagayaan xildhibaanada.

Guddiga joogtada ayaa isku raacay in 06-06-2020 uu furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka halka guddiga madaxbannaan ee doorashooyinkana ay hor imaan doonaan golaha 27-06-2020, waxaana arrintaan su aalo ka keenay qaar ka mid ah xildhibaanada iyaga oo ku dooday waxa la qabanayo muddadaas balse guddoomiye Abshir ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka aysan u yeeri Karin iyaga oo aysan u diyaarsanayn 4-tii qodob ee loo diray inay soo gudbiyaan guddiga isku dhafka ah ee labada aqal kuwaas oo uu guddoomiyuhu sheegay in qodobadaas qaarkood ay wali guddiga xal u la’yihiin.

“In guddigii isku dhafka ahaa 4-tii qodob ee loo xilsaaray oo baarlamaanku ansixiyay  in loo gudbiyo iyadoo diyaar ah guddiga uma yeeri karno hadii aysan intaas noo diyaarsanayn si taas loo diyaariyo 4-ta qodob oo loo diray guddiga isku dhafka ah ee baarlamaanka waa 4-qodob oo xasaasi ah o oculus oo ilaa maanta aan dareemayo in qaar ka mid ah ay xal u heli la’yihiin” ayuu yiri guddoomiye Abshir.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka ayaa xildhibaanada u sheegay inay dalban doonaan waqti marka la horkeeno qodobada ay keeni doonaan guddiga isku dhafka ah ee diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka isaga oo cuskaday inay aad u adagtahay asteynta kuraasta waxa uuna intaas ku daray guddoomiye Abshir in xildhibaanada ay geli doonaan dood adag.

“Waxaan hubaa markii baarlamaanka la furo 6-da bisha Juun oo la idiin keeno qodobada qodobka ugu horeeya in ay idinku qaadan doonto saddex beri  afar beri sababtoo ah waxaan ognahay asteynta kuraasta doodeedu sida ay u culustahay waad ogtihiin laakiin qofkasta oo idinka mid ah waa diidi doonaa aragti cusubna waa keeni doonaa , qoondada haweenka sida la yeeli doono iyo matalaada Muqdisho doodda ka taagan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay waxa ay go’aamiyeen in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka dalka uu si toos ah u furmo 06-06-2020 islamarkaana 27-06-2020 ay baarlamaanka Soomaaliya hor yimaadaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW