U bood dhigaalka

Guddoomiye Abuukar “Way Mahadsanyihiin Maamulka Gobolka Banaadir”

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa damaashaad iyo farxad heer sare ku qaatay kuna dabaal dagay ku garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho, ka dib markii todobaadkii la soo dhaafay ay naadiga Muqdisho City ay ku guulaysatay horyaalka Somalia Premier League 2019-2020.

“Weli waxaan ki jurnaa maalmihii farxada iyo wayneynta hanashada horyaalka Somalia Premier League 2019-2020, weli waxaa inoo sii haray waqti kale” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahan Qeys Cabdulle Macallin oo ka tirsan naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club

Bishii June 2020 kooxaha Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa nasiib u yeeshay ciyaartii furitaanka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho oo dib u hagaajin balaraan ay ku samaysay Dowladda waxaana kulankaa koobkii lagu maamusayay furitaanka Stadium Muqdisho ku guulaystay xidigaha Horseed.

“Farxad ayay Maamulka Gobolka Banaadir,macallimiinta iyo ciyaartooyda Muqdisho City oo u aheyd in labo jeer oo kala duwan ay waqti wanaagsan ay ku qaataan gegida ciyaaraha Muqdisho,tani waxay nagu dhiiri-gelinaysaa in aan samayno horomar wanaagsan” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ah la taliyaha maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Damaashaadka Kooxda MCC

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle