U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Madasha Xisbiyada Qaran

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay hoggaanka madasha xisbiyada qaran, kulanka ayaa ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka  iyo , waxaana ka qeyb galay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka.

Kulankaan ayaa waxaa ku soo aadayaa iyadoo magaalada Muqdisho maalintii labaad uu kulan uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo la filaayo in lagu gaaro hannaan doorashoguud ee  uu dalka aado sanadka 2020-2021,

Goobjoog News