U bood dhigaalka

Guddoomiye Casir oo Fasax Kordhin 45 Cisho ah u Sameeyay Xubnaha Baarlamaanka Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa fasax kordhin u sameeyay xubanaha baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay in sababta fasaxani yahay Abaaraha ba’an ee ka jira degaannada Galmudug iyo doorashada madaxda dalka ee dhawaan la filayo iney dalka ka dhaco.

Guddoomiyaha ayaa xubnaha baarlamaanka saxaafadda u mariyay fasax 45 cisho ah oo ay galayaan xubnaha baarlamaanka Galmudug, waxa uuna yiri:

“Saakay oo ah Sabti bushuna ay tahay 7 bishii January, waxaan media-ha ugu yeeray in aan uga faa’ideysto warbaahinta uga diro xildhibaannada dowlad goboleedka Galmudug , waxaan soo saary warqad u jeedadeeduna ay tahay in baarlamaankii dowlad goboleedka Galmudug aan ugu kordhiyo(fasixii) 45 cisho”, ayuu yiri guddoomiye Casiir

Fasaxan cusub ee xubnaha baarlamaanka Galmudug ayaa ka bilaabanaya 5 January kuna eeg 20 February ee bisha soo aaddan.

Goobjoog News