U bood dhigaalka

Guddoomiye Dhabanacad: Sabtida 9:00 iyo Villa Hargeisa ayaa noo balan ah, Fasax Ma Jiro

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabacad oo ka hadlay xarunta lagu dhaariyey xildhibaanada ee Afisyooni ayaa ugu horreyn u mahadceliyey ra’isul wasaare Rooble iyo guudiga doorashada isaga oo codsaday in meelaha dhimman ay soo dedejiyaan xildhibaannada dhimman.
Guddoomiye Cabdisalaam ayaa sidoo kale waxaa uu xildhibaannada hordhigay in waqtiga uu dheeraaday, dalkana diginin la siiyey, oo lacaga go’een, oo bangiyada oo cadaadis lagu wado, isla markaana aanu dalka ka lumi Karin waqti dambe.
Guddoomiye Dhabanacad oo ka hadlayey shaqada hortaalla golaha shacabka ayaa waxaa uu yiru”
Waxaan farayaa xildhibaanada golaha shacabka , ilaa laga doorto guddoomiyaha rasmi ah iyo kuxigeenadiisa in aanu qofna maqnaan Karin, fasaxna aanu jirin, sabtida iyo 9:00 subaxnimo iyo villa Hargeisa”.

Goobjoog News