U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari oo Ballanqaaday Inuu Dhex Dhexaad U noqon Doono Dhamaan Xubnaha Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha  Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in guusha maanta ay tahay mid usoo hoyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxanuu ballan qaaday inuu dhex dhexaad u noqon doono dhamaan xubnaha Golaha.

Guddoomiyaha la doortay ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo guushiisa ka dib la hadlay xubnaha golaha shacabka ayaa sheegay in guusha uu gaaray aaney ahan mid shakhsi ah balse ay tahay mid usoo hoyatay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Guushani maaha mid qof guuleystay mid kalena laga guuleystay ee waxaa guuleeystay shacabka Soomaaliyeed, codka waxaa qarsoodi looga dhigay inaan la ogaan ciddii codaysay iyo kuwii kale, waxaan dhex dhexaad u noqonayayaa dhamaan xubnaha, waxaan u hablayaynayaa ururada bushada , dhalinyarahada, hooyooyinka, siyaasiyiinta, muwaadiniinta , dhamaanta shacabka Soomaaliyeed ee naga daawanaya warbaahita”.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ayuu ka coday Jawari inuu sii wado shir guddoonka baarlamaanka inta ay ka dhamaaneyso doorashada.

Guddoomiyahii ku meel gaar ahaa ee golaha Cismaan Cilmi Boqorre ayaa xubnaha golaha u sheegay iney barri jirto doorashaddii gudoomiye ku xigeennada golaha:

“Guddoomiye cusub ayuu baaralamaanku yeeshay wadatashi ayaan idinla sameyn doonnaa, xildhibaannada sharafta leh doorashadii loo ballansanaa barri wey jirtaa, wakhtigii loogu talogalay ayaa la imanyaa doorashadii guddoomiye ku xigeenka ayaa barri jirta haddii Alle idmo”.

Doorashadii maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa wareeggiidii 1-aad waxay guushu ku raacday guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku guuleystay codod gaarya illaa 141 cod.

Goobjoog News