U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari: In Dalka Dastuur la’aan laga Badbaadiyo Waa Lagama Maarmaan

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta hadal jeedin ka sameeyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dalku uu gali karo Dastuur la’aan sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay in laga badbaadiyo iney xaaladaasi timaaddo.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho iyadoo ay soo xaadireen kulanka xildhibaanno gaaraya 151 xubnood iyadoo uu  shir guddoominayay goddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa xubnaha baarlamaanka u soo bandhigay sharci wax lagaga bedelayo Labo Qodob oo Dastuuri ah si aan dalku ugu dhicin dastuur la’aan:

” Hindise sharciyeedkan aan maanta idiin soo bandhigay waa labo qodob, waa xil toos baarlamaanka u saaran inuu dalka ka badbaadsho labo arrimood, arrinta koowaa qodobka 136 faqraddiisa labaad ee dastuurka, waxa uu farayaa inta lagu guda jiro mudaxda xil haynta baarlamaanka 9aad in la dhameystiro dib u eegista dastuurka iyo afti qaran in la qaado, labadaba suurtogal ma aha, waxayna noqoneysaa in dastuurka hadda uu buro oo Jartar iyo kii lixdankii loo noqdo, dastuur la’aan iney dhacdo in dalka laga badbaadsho waa lagama maarmaan”

“Arrinta xigta qodobka 60aad faqradiisa 1aad, waxa weeyaan in mudada xil haynta baarlamaan baarlaamaan kale oo lasoo doortay unbaa bedela, waxaa dhici karo in doorashii ay dhici weydo, dastuurka waxaa ku qoron mudada xil haynta baarlamaanka 9aad waa afar sano, waxayse xilhayntiisa rasmiga ah ku egtahay maalinta lagu dhawaaqo natiijada baarlamaanka 10aad”.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xubnaha u soo bandhigay iney shuruucda baarlamaanka horyaalla in la dardar geliyo sida ay u kala fududyihiinna loo soo kala hormariyo.

Ugu dambeyn, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay kulmay tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh soo saaray wareegtada uu ku meel mariyay go’aankii doorashada dadban ee 2016.

Goobjoog News