U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari “Laba Qodob Oo Muhiim Ah Ayaa Horyaalla Baarlamaanka Oo Uu Ka Shaqeynayo”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka furintaanka kalfadhiga 8aad kulankiisa koowaad ee gaarka ah, ayaa ka hadlay qorshaha baarlamaanka bilaha u harsan, isagoo  kusoo koobay labo qodob oo muhiim ah.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn amaan u soo jeediyay xubnaha baarlamaanka, waxa uu xasuusiyay socdaalkii dheeraa ee ay u soo galeen iney dalka ka gudbiyaan xaaladdii uu ku sugnaa 2012, madasha baarlmaanka xiga ku xil wareejiyaan xaalad siyaasadeed, waxaanuu kula dardaarmay in ay casharro ka qaataan burburka ku yimid baarlamaanadii iyo xukuumadihii dalka soo maray tan iyo 2004-tii, siiba markii marxaladaha kala guurka la galo.

Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri; “hafrid igama aha waa iga dhab haddaan iraahdo xubnaha baarlamaanka waa naftood hurayaal, waxa uu xasuustay 15 xubnood oo baaralmaanka 9aad laga dilay iyo 7 howlwadeen iyo tiro aan yareyn oo ka tirsan ciidanka Aminga Golaha Umadda”.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in markii ay xilka qabanayeen ay ugu muhiimsaneyd labo waajib, kan koowaad oo ah in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka KMG ah lana ansixiyo, waajibaadka labaadna yahay doorashadii ugu horreysay oo dimuqraadi ah inaan dalka gaarsiinno, waa laba mashruuc oo wali u baahan inaan dhameystirno, ayuu yiri guddoomiye Jawaari oo hadal dheer u jeediyay xubnaha baarlamaanka iyo madaxdii qaranka ee ka soo qeyb gashay furintaanka kalfadhiga.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari; waxa uu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay in kalfadhiga 8aad yahay kii ugu adkaa ee Golaha soo mara, waxaanuu u sheegay iney xubnuhu isku diyaariyaan, waxa uu xasuusiyay in kalfadhiga ay horyaallaan arrimo masiiri ah oo umadda oo dhan ay wada sugeyso, mustaqbalka sida aan hadda u dhaqanno ayaa taariikhda Soomaaliya naloogu xusayaa ayuu hadalkiisa ku soo afjaray.

Goobjoog News