U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Is Casilay

Sheeko:Baarlamaanka

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, guddoomiyahii golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iska casilay xilkii uu hayey.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka C/weli Muudey ayaa xildhibaanno saakay tagay golaha shacabka waxa uu ka hor akhriyey warqad uu sheegay in guddoomiye Jawaari isku casilay, islamarkaana uu u qoray madaxweyne Farmaajo.

Warar ay Goobjoog News ka heshay guddoonka golaha shacabka ayaa xaqiijiyey in Jawaari uu is casilay kadib markii uu cadaadiska ku batay iyo isaga oo go’aansaday inuu ka tago dhaxal ah inaan la xumeyn waxqabadkiisa Shantii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu xanuunsan yahay.

Buuq badan ayaa ka jiray mooshinkii laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo goluhu uu Labo garab u kala qeybsamay.

Saakay ayeey xildhibaannada u ballansanaayeen in codka loo qaado guddoomiye Jawaari, hase ahaatee waxaa soo baxday warqaddan is casilaaddiisa ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News