U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Dhacdadii Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

1. Wasiirka amniga ayaa amray in hubka la iiga reebo, isaga oo ka mid ah saxiixayaasha mooshinka:

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maanta lagu amray in uu ilaalada ka tago iyada uu amarka bixiyay wasiirka amniga oo ka tirsan saxiixayaasha mooshinka.

2. Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo guddoomiyihii golaha shacabka ayaa qabsaday golaha shacabka, 11 qof oo askari wax ma qabsan karaan?! Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa golaha qabsaday waxaa ay la mid tahay madaxweynaha oo madaxtooyada qabsaday:

Mudane Jawaari, waxaa kale oo wax kala yaabo ku tilmaamay in magaalada la geliyo Jawaari ayaa golaha shacabka qabsaday, isaga oo arrintaasi ka hadlaayo waxaa uu yiri “Waxaa magaalada iyo xarunta golaha Shacabka lagu soo daadiyey kumanaan ciidan ah oo shacabka iyo dadkoo dhan ay u jeedaan, waxaa haddana nasiib darro ah in la dhaho golihii Shacabka waxaa qabsaday guddoomiyihii Shacabka,  ma kow iyo toban askari miyaan ku qabsan karaa golaha Shacabka marka arrintaas waxyaabo kale ayaa loola danleeyahay ” isaga oo intaasi raaciyay “Jawaaro oo qabsaday Golaha Shacabka waxaa ay la mid tahay madaxweynaha oo qabsaday Madaxtooyada “.

3. Qodobka 38aad ee xeer-hoosaadka, waxaa uu dhigayaa in askari aanu soo gelin hoolka, oo ay tahay inuu amar qaato, laakin waa la jabiyay, oo 60-meeyo ayaa ku jirtay hoolka

Ciidamada gudaha u galay hoolka golaha shacabka waxaa uu sheegay in ay ka hor imaaneyso xeerhoosaadka golaha shacabka “Qodobka 38-aad ee xeer-hoosaadka waxaa uu si qeexan u sheegayaa in qof askari oo ciidan ah uusan soo geli Karin golaha gudahiisa iyada oo amar laga heysan habdhowraha oo u xilsaaran isaga oo ku shaqeynaya amarka guddoomiyaha, hase ahaatee markii aan meesha galay waxaan ugu tagay sadomeeyo ciidan ka badan .

Waxaa kale uu hadlay guddoomiye Jawaari:

4. 100 Xildhibaan in ka badan loo diiday in golaha soo galaan

5. Ciidankeenna waa ciidan fiican laakin ammarada la siinaayey ayaa qalad ahaa

6. Baarlamaanka waxaa dib loo furi-doonaa marka labada garab ku heshiiyaan in dib loo furo

 

Goobjoog News