U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland oo Ka Horyimid 4.5

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiilada dowladda  Puntland  Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa ka digay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka taas oo lagu saleeyey nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, iyadoo ay muuqato in ay adag tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Cabdicasiis, ayaa dhanka kale xusay  in nidaamka 4.5, uu ahaa xal wakhtigiisa joogay oo laga soo gudbay inkastoo uusan marnaba nidaamkaasi sax ahayn, balse loo baahanyahay in aan maanta mar kale dib loogu laaban sida uu ku sheegay qoraal uu soo geliyey baraha  bulshada.

“Waa in qabiilada Soomaaliyeed midna cod yeesho midna aanu cod yeelan oo qabiil is doorto waa in la sameeyo xeer aan u cadaalad samaynayn Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii la yiraahdo Doorasho qof iyo cod ah baa loo gudbayaa, Wax qaybtuna waa inoo Habkeennii Qabiilka, taasi ay ka dhigantahay in nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 Sharci laga dhigayo  wuxuu intaas raaciyay in haddii sidaas lagu Sharciyeeyo hannaanka wax-qaybsiga 4.5,

Guddiga doorashooyinka madaxbannaan ee qaran ayaa marar badan ku celiyey in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah taas oo ka duwan nidaamkii lagu soo dhisay dowalddii ka horeysay midda hadda jirta 2012-kii ayaa waxaan muuqan ififaaha qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda sanadka 2021-ka.

Goobjoog News