U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray B/weyne

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye xigeenka Labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye xigeenka Labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan oo xildhibaanno u badan ayaa safarkani Beledweyne maanta ay ku tageen waxaa lagu sheegay ka qeyb galka caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Wasiirka amniga ee xukuumadda federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in uu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta maanta gaaray magaalada Beledweyne.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah lagu caleema saaro magaalada Beledweyne halkaas oo ay ku sii qulqulayaan wufuud kala duwan, ammaanka ayaana si weyn waxaa u sugaya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM.

Wafdiyo ayaa ku sii qulqulaya magaalada Beledweyne, halkaas oo ay si weyn uga soconayso qabanqaabada xafladda caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa si wadajir ah u sugaya ammaanka magaalada Beledweyne, iyadoo maalmihii dambe ay magaaladaasi ku sii qulqulayeen wafdiyo kala duwan sida duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo xubno kale.

Goobjoog News