U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal iyo Ku-xigeenkiisa Koowaad oo Caawa Ku Biiray Shirka Musharraxiinta

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka fedraalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Sheekh Ibraahim  Muudeey ayaa caawa ku biiray shirka midawga musharrixiinta ee looga tashanayo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.

Kulanka oo kamid ah kulamo xariir ah oo musharrixiintu la yeelanayeen siyaasiyiinta, dhaqanka, culimada iyo bulshada rayidka ah ayaa hadda ka socda hoteelka sedaxdii maalin ee tagtay ay ku shirayeen musharrixiinta, waxaana la filayaa in maalinta barri oo Talaado ah la soo gabagabeeyo.

Musharrixiinta ayaa ballaariyay dadka kasoo qeyb gelaya, waxaana shalay ilaa maanta ay si gooni gooni ah aragtiyadooda uga dhageysanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada oo fikirradooda ku biiriyay hannaanka ay dalka uga dhhici karto doorasho la isla oggolyahay.0T1A9876

0T1A9883

0T1A9885

098A9904

0T1A9885

Goobjoog News