U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal Oo Ku Wajahan Degmada Xudur Ee Bakool

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah tagaan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Sida qorshaha uu yahay, guddoomiye Mursal oo deegaan doorashadiisu tahay degmadaasi ayaa la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Sidoo kale, waxay kormeer ku tagi doonaan madaxdan xerooyin  barakacayaal ah oo ay ku jiraan qoysas badan oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Ammaanka magaalada Xudur ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo degmadaasi ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal ayaa Labadii cisho ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News