U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal Oo La Kulmay Guddiyada Dastuurka Ee Baarlamaanka Iyo Kan Madaxa Banaan

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh ayaa maanta kulan la qaatay guddiga dastuurka iyo guddiga madaxbannaan ee dib u-eegista dastuurka.

Guddoomiyaha ayaa guddiga warbixin ka dhageystay ku aadan guulaha laga gaaray geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo caqabadaha hortaagan dhamaystirka dastuurka.

Guddoomiyahu wuxuu bogaadiyey hawsha ay qabteen labada guddi asagoo lawadaagay sida xal loogu heli lahaa caqabadaha heysta.

Goobjoog News