U bood dhigaalka

Guddoonka Aqalka Sare oo Muqdisho Lagu Dhaariyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka aqalka sare ee Baarlaamaanka federlka Soomalaiya ayaa waxaa maanta lagu dhaariyey goobtii lagu doortay ee Teendhada Afisyooniyi ee xerada Xalane, waxaana goobta dhaartu ka dhacay joogay oo dhaariyey guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee aqalka sare Senator Maxamed Cali Yuusuf.

Guddoonka aqalka sare ayaa waxaa loo doortay guddoomiye golaha Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Senator Cali Shacabaan Ibraahim guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde oo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha aqalka sare.

Guddoonka aqalka sare ee  lagu doortay Muqdisho sidoo kalena la dhaariyey, waxaa dhanka kale lagu wadaa in Muqdisho  ay ka dhacdo maalinta barri ah guddoonka golaha shacabka, waxaana doorashadu ay ka dhici doontaa goobta lagu doortay guddoonka aqalka sare sida kucad jadwalkii horay loo shaaciyey.

Goobjoog News