U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaaanka Somaliland oo Ka  Hadlay Qorshe Lagu Kala Qaadayo Doorashada Madaxtooyada iyo Tan Golaha Wakiilada

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay inuu jiro qorshe lagu kala qaadayo doorashada madaxtooyada iyo tan golaha wakiilada, laakiin arrinkaasi ku xiran yahay hadba sida uu uga jawaab celiyo madaxweynaha iyo axsaabta qaranka oo go’aan ka qaadashada arrinkaas uu iyaga u yaallo.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlay warar sheegaya in la kala reebaayo wakhtiga ay dhacayso doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in arrintaasi ku xiran tahay kolba sida uu uga soo jawaab celiyo Madaxweynaha  kadib markii golaha uu guddi u saaray xogta qaabka saami qeybsiga beelaha daga Somaliland ee ka qeyb qaadanaya doorashada Golaha wakiilada iyo tan madaxweynaha.

“Sidaad ogtihiin waxaa jiray saami qeybsigii xeerkii golaha ee loo sameyn lahaa, guddi baan u dirnay lixda gobolba soo dhugtay, waxaan ka sugeynaa madaxweynuhu inuu sadexda xisbi qaran iskugu yeero oo laga tashado saami qeybsiga in sidii hore lagu galayo, wixii saami qeybsi wax laga bedelayo waxay u taallaa xisbiyada Qaranka, talo qaran baan madaxweynaha waydiinay, laakiin tan dambe ee hadda Guddiga doorashooyinka laga sheegayo ma aanan ogeyn kama war hayno”, ayuu yiri Baashe.

Dhanka kale, waxaa isna ka hadlay xildhibaan C/qaadir Faarax oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada, waxaanuu yiri:

“Doorashada in la kala qaado runtii muddo wey socotay, sababta keentay waxay ahayd howlgalkii ama shaqadii ay qabteen gudidii arrimaha gudaha oy gobolada oo dhan soo mareen, xaaladda goboladana ay soo qiimeeyeen, sababahaa iyo duruufahaa baana keenaya in la kala qaado, dhibna uma arko in la kala qaado, mar waliba waxaa la rabaa dalku inuu is haysto, arrinka ugu weyn ee la isku haystaana waa saami qeybsig kaa inta xal looga helaayo ayuunbaa la yiri ha la  kala yara qaado”.

Si kastaba, Siyaasiyiinta u ololeynaysa in doorashooyinka la kala qaado ayaa doonaya in dib loo dhigo doorashada golaha wakiilada, maadaama dhaqaale ahaan aan Somaliland qaadi Karin in la isasaaro doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada , iyadoo ay jirto in golaha wakiiladu 2005 illaa hadda aaney wax doorasho ah gelin.

Goobjoog News