U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle Oo Muqdisho Ku Kulmay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyayaasha golaha wakiilada maamulada Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabeelle oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa yeeshay kulama gaar ah oo looga hadlayay xaaladda siyaasadda dalka.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ahaa Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle, Dr Maxamed Axmed  Gacal oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan guddomiyaha baarlamaanka Jubbaland.

Mas’uuliyiintaan ayaa kawada hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha saddexda maamul iyo sidii dalka looga samata bixin lahaa xaaladda uu ku jiro.