U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka oo Shuruud Ku Xirey In Xildhibanada Loo Qeybiyo Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Ajnabiga

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ku canaantay xukuumadda ka dhago adeygista qodobo horey loo faray in ay soo buuxiyaan marka hindise sharciyeedyada la horkeenayo baarlamaanka.

Jawaari ayaa sheegey in markasta oo sharci la horkeenayo baarlamaanka ay tahay in la raaco sida uu qabo xeer hoosaadka aqalka qodobka 49aad oo dhigaya in sharciga lasoo raaciyaa faahfaahin la xiriirka arrimaha sharciga uu xambaarsanyahay iyo in uu dastuurka waafaqsanyahay, iyo sidoo kale qodobka labaad oo ah saameynta dhaqaale ee sharcigaasi ku leeyahay dhaqaalaha dalka iyo miisaaniyadda sanadkaasi iyo kan xiga koror iyo is dhimis labadaba.

“Markasta waan idiin sheegaa wasiiradiinan, mana yeeshaan, warqada Ra’isulwasaaraha iyo tiinaba labadsa kuma xusna qodobada la’idiinka baahanyahay, waxaanan sharcigan guddiga iyo golahaba u qeybinayaa marka labadaasi arrimood la’idinka helo”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxa uu la hadlayay wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Cusmaan Libaax Ibraahim oo markaasi dhameeyey akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka shaqaalaha ajnabiga ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee uu sharcigani xusayo ayaa waxaa ka mid ah in shaqaalaha ajnabiga ay qaataan ruqsad shaqo , balse ay shuruud tahay in aanan ruqsadaasi la siin karin qof ajnabi ah shaqo uu qaban karo qof muwaadhin ah.

Waxaa sidoo kale sharciga uu muwaadhiniinta farayaa in ay ruqsad u dalbaan dadka ajaaniibta ah ee ay shaqaaleysiisanayaan iyada oo la raacayo sida uu xeerka qabo.

Haddii uu dhoco xadgudub qofka ajnabiga waxa uu muteysan karaa xarig 2 sano ah iyo ganaax lacageed oo dhan $5 kun doolar, halka qofka muwaadhinka ah ee shaqaaleysiiya qof ajnabi ah ee aanan ruqsad heysanin uu isna muteysanayo ganaax lacageed oo u dhaxeeya $5 kun doolar illaa $10 kun doolar.

Sharcigan ayaa waxa uu dhigayaa in la abuuro guddiga dabogalka arrimaha shaqaalaha ajnabi oo ka kooban 3 xubnood oo ay soo kala magacaabayaan wasaaradaha amniga, maaliyadda iyo shaqada, kuwaasi oo hadhoow iyaguna xaq u leh in ay soo magacaabaan guddi hoosaad la shaqeeya. Muddada guddiga uu shaqeynayo waa 2 sano oo loo kordhin karo haddii aanan xil ka qaadis lagu sameynin.

Goobjoog News