U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Mooshinka Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:Baarlamaanka

Qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu ku sheegay in wada hadal laga galayo mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo u dhaxeyn doona Xildhibaanada mooshinkaais ku kala aragti duwan.

Guddonka Baarlamaanka ayaa sheegay in uu hubiyay jiritaanka tuhunka qiyaano qaran ee ku xusan qodobka 184-aad ee xeerka ciqaabta qaranka islamarkaana loo gudbayo wada hadal ku aadan xalinta cabashada jirta.

Bisha soo socota ee October 7-deeda ayuu gudoonka sheegay in la qabanayo kulan ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaare Cumar iyo Gudoomiye Jawaari, waxaana kulankaasi loogu baaqay inay kasoo qeybgalaan Xildhibaanada ku kala aragtida duwan mooshinka.

Hoos ka akhriso qoraalka guddonka Baarlamaanka

02

02