U bood dhigaalka

Guddoonka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kula Kulmay Safiirka UK

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoonka  Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta waxay kulan la qaateen safiirka boqortooyada UK marwo Kate Foster.
Safiirka Boqortooyada UK marwo Kate Foster ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ugu hambalyeysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo dhowaan lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray habsami u socodka hannaanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxaana Kate raacisay in looga baahan in ay ku dhacdo qaab hufan, nabdoon oo lagu wada qanacsan yahay.
Goobjoog News