U bood dhigaalka

Guddoonka Iyo Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka Oo Go’aan Ku Laalay Codsigii Xasaanad Ka Qaadis Uu Soo Jeediyay Xeer-ilaaliyaha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa maanta soo saaray go’aan waxba kama jiraan ka dhigaya xasaanad ka qaadista Xildhibaannada uu soo jeediyay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Xeer-ilaaliyaha ayaa ku guul-dareystay in uu guddoonka iyo guddiyada golaha shacabka hor-keeno wax caddeymo ah oo ka dhan ah eedeymaha uu ku heysto  Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Qoraalka ka soo baxay guddoonka waxaa lagu sheegay in Xeer-ilaaliyaha uu Ka gaabiyay inuu guddiga la wadaago caddeymo uu hayo galdacwadeedka awgeed, sidaasi darteedna ay guddiga joojinayaan soojedinta xasaanad ka qaadista xildhibaannada.

Xeer-ilaaliyaha ayaa horay shir jaraa’id uu December 17keeda qabtay ku sheegay in uu golaha shacabka u gudbiyay qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo abaabul sharci-darro iyo qaran dumis wado isaga oo hadlaya waxaa uu yiri “Innaga oo halkaasi ka duuleyna, waxaan maanta guddoomiyaha golaha shacabka iyo baarlamaankaba aan u gudbinay qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo abaabul iyo sharci-darro iyo qaran dumisnimo lagu eedeynayo, cadeymaheedii, baaritaankeedana uu dhameystiran yahay in ay xasaanadda ka qaadaan, si loo horgeeyo sharciga, baarista dhimanna loo dhameystiro, labadaasi Xildhibaan oo magacyooda ay kala yihiin: Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, labadaasi xildhibaan baaris dheer kadib ay xafiiska u muuqatay in ay galeen fal-dambiyeedyo u baahan in baaris lagu sameeyo, si baaristaan loo dhamestiro, haddii u muuqana loo aan horgeeyo maxkamadda awoodda u leh waxaan baarlamaanka iyo guddoomiyaha xasaanadda laga qaado”

Hadaba, qaraarka guddiga joogtada ah ay soo saareen waxaa ku cad in Xeer-ilaaliyaha qaranka aanu golaha u gudbin wax caddeyn, hadalkii uu shirka jaraa’id ku sheegana ay tahay waxba kama jiraan.

Hadaba Halkan Ka Akhris, Qaraarka Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka:

gole1 gole2 gole3