U bood dhigaalka

Guddoonka Labada Aqal oo Shaaciyay Waqtiga uu Furmayo Kalfadhiga Labaad Ee Baarlamaanka 11-aad

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan wadajir ah oo ay Muqdisho ku yeesheen waxaa ay kasoo saareen warsaxaafadeed lagu sheegay goorta uu furmayo Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada gole ayaa waxaa la faray in dalka ay dib ugu soo laabtaan, kuwa gobollada ku maqanna ay isugu yimaadaan caasimadda, ka hor 15-ka  Bisha October oo ah maalinta loo asteeyay in la furayo Kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa inuu furo madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka jeedin doona khudbad uu ku aadan xaaladda dalka.

Halkaan Ka Akhriso

May be an image of text

Goobjoog News