U bood dhigaalka

Guddoonka Labada Gole oo Ka Shiray Furitaanka Kalfadhiga Sedexaad Ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoonka labada Golee ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada ayaa maanta falanqayn ka yeeshay qaban qaabada iyo hannaanka furitaanka Kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka  oo furmaya 29-ka May 2023.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa sidoo kale  goobjoog ka ahaa labada xoghaye ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmahaan gacanta ku hayay isku dubaridka xafladda furitaanka labada gole ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana lagu wadaa inuu Kalfadhiga Baarlamaanka uu furo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad u jeedin doona.
Baarlamaanka labadiisa ayaa Kalfadhigii labaad waxaa ay qabteen shaqo culus, iyaga oo meel mariyay dhowr  iyo Ton Sharci, kuwaas oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Sharciga Hey’adda NISA, taas oo sharci yeelatay, kadib dowladdii dhexe iyo kuwa kale oo muhiim ah oo kasoo gudbay golaha xukuumadda oo soo diyaarisay sharciyadaasi.
Goobjoog News