U bood dhigaalka

Gudiga Gurmadka Abaaraha oo cusboonaysiiyey baaqoodii ku wajahnaa xaaladaha nolol xumo ee ka jirta dalka

Sheeko:War

Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dalka ay ka jiraan abaaro daran, iyagoo guddi wasiiro ah u saaray wax ka qabashada abaaraha, waxaana guddiga hoggaaminaya Wasiirka beeraha Cabdi Axmed Baafo, gudiga ayaa maanta soo saaray warbixin dhamaystiran oo ku saabsan Xaaladaha Bani’aadanimo dalka.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dowladda Soomaaliya oo shaaciyey meelaha ugu daran ee Abaaraha iyo biyo la,aantu ka jirto, kaddib Warmurtiyeed guddigu uu soo saaray maanta.

 

BAAQ KU WAAJAHAN XAALADAHA ABAARAHA DALKA

 

1. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliyeed waxaa uu shir aan caadi ahayn Guddiga Gurmadka Degdegga kaga dhageystay warbixintii ugu dambeeysay ee ku saabsanayd xaaladda abaaraha iyo cunto-yarida dalka ka taagan.

2. Goluhu waxaa uu ku dhawaaqayaa in gobollada hadda ugu daran xagga

saameynta abaaraha ay yihiin Gedo, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, xaaladaha bani’aadamnimana ay ku sii kordheeyso maalinba maalinta ka dambeeysa. Baahida dadka tabaaleysan waxay isugu jirtaa biyo, cunto iyo gargaar caafimaad.

3. Xukuumadda oo u qoondeeysay lacag dhan 500,000 doollar, waxa ay toddobaadka soosocda ka bilaabeysaa biyo-dhaamin gobollada harraadka uu ka taagan yahay. Waxaa kaloo xukuumadda u qorshysan in sida ugu dhakhsiyaha badan gaargaar cunto lala gaaro dhammaan gobollada cunt-yarida ay ka jirto.

4. Xaaladda amnidarro ee ka dhashay jidgooyada argagixisada ay ku hayso gobollada abaarta iyo cunt-yarida ka jiraan waxa ay carqalad ku tahay qorshaha hawlgalka gurmadka. Waxaa kaloo Xukuumadda u muuqatay in AMISOM ayan weli jawaab ka bixin codsiyo fududayn gaarsiin cunto deg-deg ah oo loogu talagalay dadka ku nool gobollada tabaaleeysan.

5. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay in uu u adeego dadwenihiisa, hase yeeshee ma haysto qalab ku filan oo uu keli ahaan uga soo baxo waajibaadka gelbinta gawaarida raashiinka gurmadka wadda.

6. Xukuumadda waxa ay u mahadcelineysaa dowladaha iyo hay’adaha durba ku dhaqaaqay gurmad degdeg ah iyagoo ka jawaabay baaqii ay hore u soo jeedisay Xukuumadda; arrintaasina waa mid dhiirrigelin leh.

7. Xukuumadda waxa ay AMISOM iyo deeq-bixiyeyaasha ugu baaqaysaa in ay

gacan ku siyaan Xukuumadda xil-gudashadeeda si dalka looga badbaadiyo

khatartii abaarihii 2011 oo kale. Waxaa loo baahan yahay in hadda si xoog leh loogu jeesto hawlaha gargaarka inta arrinta ayan gaarin heer aad u ba’an oo macaluul iyo dhimasho ay dhacdo.

 

—-DHAMAAD—