U bood dhigaalka

Guudiga Wadajirka ah Ee Xeerar Doorashooyinka oo Ka Soo Saaray Kuraasta Laga Wareejiyey Deegaan Doorashadooda

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay beelaha qaar, taas oo ah in kuraastoodii goalaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyey gobol ama degmo aysan degin.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin inay saxaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan guddoonka golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo  ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo hor yaalla golaha ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan.

Goobjoog News