U bood dhigaalka

Guushii Doorashada Xisbiga AKP ee Dalka Turkiga

Sheeko:Caalamka

Doorashadii Axaddii ee dalka Turkiga waxaa loo tartamayey 550 Kusri , Axsaabta waxaa ay gaarayaan 16 xisbi oo ay ugu horeeyeen Justice and Development party (AKP 2001), Republican People’s party (CHP 1923), Nationalist Movement party (MHP 1969 ), People’s Democratic party (HDP 2012).

Doorashadii  Axaddii ka hor, waxaa si weyn  shaki looga qabay Masiirka AKP, waayo doorashadii June ee sanadkan xisbiga Justice and Development Party (AK party)  waxaa uu lumiyay taliska 13 sano uu dalkaas kaligii maamulayey, waxaa uu sidoo kale ku guuldaerstay in uu sameeyo dowlada wadaag.

Xisbiga AKP waxaa uu doorashadaas helay 258 kursi oo ka tirsan kuraasta baarlamaanka Turkiga, xisbiga Republican People’s Party (CHP)  waxaa uu helay 131 kursi halka mid  80 Kursi heleen Xisbiyada Peoples’ Democratic Party (HDP), xisbigana iyo Nationalist Action Party (MHP).

Doorashada Axaddii waxaa uu Madaxweyne Tayyip Erdogan  u baahnaa dhowr arin oo ay ugu horeeyaan aqbaliyad ay xisbiga AKP oo kaliya  Xukuumad ku dhisaan, waxaa kaloo u baahnaa Baarlamaan uu dastuurka wax uga badalo.

Madaxweyne  Erdogan  waxaa uu  doonaya in dalka Turkiga uu ku maamulo Presidential state ama nidaam Ri’aasi ah, kaas oo awoodo badan siinaya Madaxweynaha dalka taas oo u baahan in dastuurka dalka wax laga badalo ama Afti dadka laga qaado.

Hadaba  baarlamaanka Turkiga waxaa uu ka kooban yahay 550 Xildhibaan, 276 kursi Xisbigii Keenaa waa uu helayaa aqlabiyad uu xukuumad ku dhiso, si dasuurka loo badalo waxaa loo baahan yahay 367 cod, si afti loogu dareero waa in la helaa 330 cod, iyadoo sidaa ay tahay, Erdogan waxaa uu doonayaa in uu Xisbigiisa wax walba isku darsado.

Xisbiga AKP, waxaa uu balanqaaday in uu wax badan ka qaban doono Amniga, Dhaqaalaha iyo arimo kale.

Doorashadii Axaddii dhacday, waxaa codadka laga dhiibanayey 175,000 oo xarun codbixin, dadka la ogolyahay in ay codeeyaan dalka Turkiga waa 54 Milyan, Xisbiga AKP waxaa ay keeneen  49.4% , waxaa ay heleen 316  Xildhibaan, xisbiga waxaa uu soo jiitay 4 Milyan cod oo dheeraad ah taas oo u suurogalisay in uu ku guuleysto Aqlabiyad.

Waxaa AKP xigay People’s Party (CHP)  oo helay 25.4%, Nationalist Action Party (MHP) oo helay 11.9% iyo Peoples’ Democratic Party (HDP) oo helay 10.7%.

Doorashadan waxaa Kuraasta baarlamaanka loo kala helay sida: AKP waxaa uu helay 316 kusri, CHP oo heshay 134 kusri, HDP ayaa helay 59 kusri iyo MHP oo helay 41 kursi.

Shacabka Turkiga waxaa kalsooni u muujiyeen Xisbiga Davutoğlu, iyagoo raacay balanqaadkii uu sameeyay madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha

Ra’isul Wasaare Davutoğlu oo dadweyne badan kula hadlay goobta uu ku dhashay, Codkana uu ka dhiibtay ee Konya ayaa sheegay in ay guushan tahay “Guul Dimoqoraadiyad”.

Ankara iyo Xarunta Xisbiga waxaa ku soo xoomay dadweyne aad u tiro badan kuwaas oo ku faraxsanaa guusha xisbiga AKP, iyagoo halkaas ku qaaday heeso, Macmacaana qeybinayey, dadkan oo aad u faraxsanaa ayaa sidoo kale waxaa ay lahaayeen’Alahu Akbar”

Hadda waxaa looga fadhiyaa Madaxweyne Tayyip Erdogan  uu ka dhabeeyo ballamihii uu ka qaaday dadka Turkiga.

 

erdogan1 f g gs ordugan

3500 494824530 494824542

A man selling Turkish national flags stops to collect food from a kebab shop in Istanbul, Turkey, on Friday, Oct. 30, 2015. As Turks prepare to vote this weekend, some analysts see an increasing likelihood the five-month political deadlock that roiled markets is nearing an end. Photographer: Kerem Uzel/Bloomberg
A man selling Turkish national flags stops to collect food from a kebab shop in Istanbul, Turkey, on Friday, Oct. 30, 2015. As Turks prepare to vote this weekend, some analysts see an increasing likelihood the five-month political deadlock that roiled markets is nearing an end. Photographer: Kerem Uzel/Bloomberg

a d erdogan

 

Goobjoog News