U bood dhigaalka

Hadaljeedinta Musharraxiinta Madaxweynaha oo Lasoo Gabagabeeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta Teendhada Afisyooni lagu soo gabagabeeyay hadaljeedinta musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka kahor hadlay ilaa 19 musharrax, kuwaas oo kamid ah 39 u taagan qabashada xilka madaxweynaha.

Musharraxiinta maanta hadalay ayaa waxaa kamid ahaa musharax madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud oo ahaa musharraxii ugu horeeyay, musharrax Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ah iyo  Farmaajo madaxweynihii waqtigiisu dhammaaday, 3-daan  qof ayaa u miisaan cuslaa musharraxiintii hadashay.

Magaalaada caasimadda ah ayaa waxaa laga dareemayaa ololihii ugu dambeeyay oo musharraxiintu ay wadaan, waxaana maalinta axadda ah oo taariikhdu tahay 15-ka bisha May 2022-ka la ogaan doonaa, madaxweynaha 10-aad ee jamhuuriyadda federalka Soomalaiya oo kasoo dhex bixi doona 39-ka musharrax ee ku tartamaya xilka.