U bood dhigaalka

Hadaljeedinta Musharraxiinta oo Soo Idlaatay Maalintii Koowaad

Sheeko:Baarlamaanka

Hadaljeedinta Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa soo gabagabowday maalinteedii  koowaad, waxaana Baarlamaanka fadhigiisa ka hor hadlay 20  musharrax oo kamid 39 isku sharaxday ku guulaysiga kursiga madaxweynaha, iydoo barri lasoo gabagabanayo.

Madashada ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, waxaa munaasabadda furay guddoomiyaha guddiga isku dhafka ah doorashada madaxweynaha  Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, iyadoo musharrax waliba uu mudanayaasha ka hor sheegay waxa uu qaban doono haddii la doorto oo codka ay siiyaan.

Maalinta barri ah oo taariikhdu tahay 12 bisha ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo hadaljeedinta, iyadoo ay hadli doonaan musharraxiin saameyn badan ku leh doorashada madaxweynaha, waxaana kamid madaxweynihii hore dalka Xasan Shiikh Maxamuud, Shariif Shiikh Axmed, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Maxamed Farmaajo.