U bood dhigaalka

Hantidhawraha Guud Ee Qaranka oo Kulan La Qaatay Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka
Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa maanta Villa Hargaysa kulan kula qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta, Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen dhowr arrin.
Kulanka oo ahaa mid ku qotomay isbrasho iyo xog is-waydaarsi ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xiriirka wada-shaqayn ee ka dhexeeya Guddiga Maaliyadda iyo Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo ah hay’ado halbowle u ah dadaallada lagu xoojinayo dawlad wanaagga dalka.
Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa intii uu kulanku socday waxa uu Guddiga siiyay warbixin la xiriirta waajibaadyada Dastuuriga ee ee Xafiiska, dib-u-habaynta tayada shaqada iyo shaqaalaha iyo adeegga hantidhawrista ee yoolkiisu yahay ilaalinta hantida dadwaynaha.
Goobjoog News