U bood dhigaalka

Heshiis Laga Gaaray Shahaado Siinta Ardayda Puntland

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradaha waxbarashada dowladda federalaka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa gaaray heshiis lagu xalinaayo khlaafka ka dhashay shahaadooyinka iyo imtixaanaadka arayday dugsiyada sare ee ku sugan deegaannada maamul goboleedkaas oo hoaray wasaaraddii hore u hakisay Shaadooyinkii sanad dugsiyeedkii tagay.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii magaalada Garoowe ay ku kulan ku yeesheen wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta ee dowladda federaalka Eng.Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdulaahi Carab) iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan, laba dhinac ayaa ku heshiiyey 3 qodob.

1- In ardayda Puntland ee dhameysatay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federaalka ah oo laga heli doono xarunta dhexe ee wasaaradda waxbarashada Puntland iyo xarunta dhexe wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka ah.

2- In wasiirku uu iclaamiyey shirweyne la isugu imaandoono dhammaan wasaaradaha waxbarashada maamullada xubnaha ka ah dowladda federalaka Soomaaliya iyo wasaardda waxbarashada federaalka shirkaas oo looga hadli doono siyaassa waxbarashada heerka dhismaha guddyada imtixaanaadka manaahijta koreerka iyo arrimaha quseeyo waxbarasahda.

3- Waxaa labada wasaaradood isla qaateen in ardayda Puntland shahaadadooda dugsiga sare ee heer federal, taas oo waasaaraduhu isku afgarteen.

Khilaafka dhanka waxbarashada ee wasaaradda federaalka iyo Puntlanda yaa soo jiitamaeyey muddooyinkii dambe, waxaana dhowr jeer oo hore lagu guuldareystay in xal laga gaaro, khilaafka ayaana sanad dugsiyeedkii tagay waxaa uu gaaray halkii ugu sareysay kadib markii wasaaradda federaalku sheegtay inaan shahaado lasiin araday Puntland.

Goobjoog News