U bood dhigaalka

Heshiis laga gaaray xiisad ka taagnayd Caabudwaaq

Sheeko:War
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud

Heshiis rasmi ah ayaa lagu soo waramayaa in laga gaaray dagaal beeleedkii dhowaan ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Kulan ballaaran oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa loogu yeeray odayaal, culimaa’udiin iyo dhalinyaro ka kala socda beelihii dagaalamay, kuwaasi oo ka wada hadlay waxyaabihii keenay dagaalka dhex maray beelahaasi.

Nabadoon Aadan Cigaal oo ka mid ahaa odayaashii ka qeyb galay kulankaasi ayaa sheegay in dhammaan dhinacyadii kulanka ka soo qeyb galay ay wada qaateen qodobadii heshiiskaasi.

Waxa uu u sheegay Goobjoog FM in xal buuxa laga gaaray xiisada ku soo noqnoqotay degmada Caabudwaaq ee gobolka, isagoo ugu baaqay bulshada degmada in ay u istaagaan taaba gelinta heshiiskan.