U bood dhigaalka

Heshiis mar kale laga gaaray colaada Caabudwaaq

Sheeko:War
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud

Heshiis Rasmi ah ayaa lagusoo waramayaa in la kala dhexdhigay Maleeshiyo Beeleedkii ku dagaalamay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka dagmadaasi Khaliif Cabdisamad Cali ayaa sheegay in Beeluhu heshiis rasmi ah wada saxiixeen, kaasi oo qodobada ku jira ay ka mid yihiin:

-In si shuruud la’aan ah xabada loo joojiyo.

-In ninkii nin dila isagana fagaaraha degmada lagu toogto iyo qodobo kale.

Odayaasha Matalaya beelahii dagaalamay ayaa sheegay in si isku mid ah heshiiskan loo qaatay.

Khaliif Cabdisamad Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Caabudwaaq ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha Matalaya beelaha iyo Wafdiga Dowladda federaalka Soomaaliya ka jooga shirka Caabudwaaq ay isku raaceen Qodobada Heshiiska iyo in la dhaqan Geliyo.