U bood dhigaalka

Heshiiska Xasan Sheekh Iyo Uhuru Kenyatta, Muxuu Ka Dhigan Yahay?

Waxaa arbacadii Nairobi heshiis ilaa 12 qodob ah ku kala saxiixday Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, heshiiskaas ayaa soo afjaray xiisad iyo walaac labada dhinac ah.

Is afgaradkan ayaa imaanaya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tagay xerada Dhadhaab isniintii 6da June, 2016 isagoo maalin kadib xarunta Madaxtooyada ee Nairobi kulan kula qaatay dhigiisa Uhuru Kenyatta, kulankaas oo looga hadlay  Nabadgalyada, xasiloonida, celinta qaxootiga iyo iskaashi xagga dhaqaalaha iyo arrimo badan waxaa ka soo baxay heshiis.

Heshiiskan qodobadiisa waxaa ugu muhiimsanaa:

In soo celinta qaxootiga Soomaalida ee Kenya lagu saleeyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa oo dhigayey in dadkii celis doonaya oo kaliya la soo celiyo, in beesha Caalamka ay ku taageerto dowladda Soomaaliya soo celinta qaxootiga, in guddi labada dhinac ah loo saaro si dadkaas si nabadgalyaha uga gudbaan xadka, guddiga ayaa sidoo kale qaban doona howlo ay ka mid yihiin  arrimaha ganacsiga, Maalgeshiga, Caafimaadka, Waxbarashada, Ciyaaraha, Dhaqanka iyo xiriirka labada dhinac.

Heshiika Labada Madaxweyne waxaa ka mid ahaa  in baaritaanka duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya ay noqdaan hal meel iyadoo mustaqbalka la sameyn doono duulimaad toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Kenya, Wadamada Afrika iyo AMISOM ayaa sidoo kale lagu amaanay kaalinta ay ka qaataan xasilinta iyo Nabadgalyada Soomaaliya, waxaan meesha ka marneen xiriirka soo jireenka ah ee dhaqan dhaqaale ee labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya oo isna la bogaadiyay, lana dhiirigeliyay.

Hadaba, Heshiiska Xasan Sheekh Iyo Uhuru Kenyatta, Muxuu Ka Dhigan Yahay?

Arrimaha Qaxootiga:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu qaaday tilaabo loo baahnaa iyo xiligii loo baahnaa, heshiiskan in kastoo uu adkeynayo heshiis kale oo Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen 2013kii hadana waxaa neef ka fuqday dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya. 

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu booqasho ku tagay Dhadhaab oo ah xero ay ku nool yihiin ilaa 350,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, waa hogaamiyihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo darajadaas leh oo halkaasi taga, taasi oo muujineysa in Xasan Sheekh dadkaasi uu u muujiyay isgarab taag, dhiirigelin iyo Mas’uuliyad.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay ka dhamaatay Madax xanuun heystay waayo iyaddoo dalka uu doorasho galayo sanadkan ayey Kenyaanka ku dhawaaqeen in ay xirayaan xeryaha Qaxootiga taas oo culeys badan ka soo kordhi lahaa.

Beesha Caalamka waa la xujeeyay, waxaana lagu booriyay in ay qaadaan kaalintooda iyo waajibkii loo baahnaa arrinta ku aadan qaxootiga joogitaankooda ama xitaa safar ay u soo galaan Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan Kenya waxaa ay saxiixday 3 heshiis uu ka mid yahay Heshiiska UN-ka , “non-refoulement, qodobka 33-xaad ee 1951 Refugee Convention kaas  oo mamnuuceysa in Qaxootiga si qasab ah lagu celiyo, Geneva Conventions 1949-tii iyo heshiisyo kale oo Caalami ah iyo qaar goboleedyo oo dhamaan ka hor istaagaya in Qaxootiga qasab lagu celiyo, Kenya kama tilaabi karto heshiisyadaas.

Arrimaha Duulimaadka: 

Heshiika Labada Madaxweyne waxaa ka mid ahaa  in baaritaanka duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya ay noqdaan hal meel iyadoo mustaqbalka la sameyn doono duulimaad toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah, arrinkaas waxaa uu qafiifin doonaa culeys saarnaa dadka si joogta ah ugu safra dalka Kenya kuwaas oo loo dhaqmi jiray si arxan darro ah, laguna baari jiray Wajer iyo Nairobi.

Guddi Farsmo:

Labada dhinac waxaa ay magacaabayaan guddi farsamo, guddigan shaqadiisa ma noqon doonto oo kaliya arrimaha qaxootiga iyo dib u celintooda ee waxaa loo xilsaaray in ay kor u qaadaan arrimaha ganacsiga, Maalgeshiga, Caafimaadka, Waxbarashada, Ciyaaraha, Dhaqanka iyo xiriirka labada dhinac, qodobkaas wax badan ayuu ka bedeli doonaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Dadkeeda Ha Meeleyso:

Ugu dambeyntii heshiiskan waa mid la tuugay, Soomaalida waxaa ay tiraah nabad la tuugay nabad ma aha, dowladda Soomaaliya waxaa lagu baryaa in ay dadkeeda celiso, dadkeeda dib u dejin u sameyso, waa arrin fool xun in la waayo hogaamiye Soomaaliyeed oo dadkaas u diyaariyay nolol iyo meel ay dagaan, waxaa laga yaabaa in aad isweydiiso, kuwii joogay ayaaba meel loo la’yahay, waa Sax, Laakin dowladda ayaa laga rabaa in dadkeeda ay nolol u hesho haddii kale ay meesha ka hor leexato. 

Sooyaalka Kenya iyo Qaxooti Soomalaiyeed:

Qaxootiga Soomaalida Kenya:

Soomaaliya ayaa ku qaxday dalka Kenya wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay dhacday dowladdii Siyaad Barre, waxaa uu qax labaad dhacay 2011-kii markii abaaro ba’an ku dhufteen dalka, Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku jira dad lagu qiyaasay ilaa 500,000 halka tiro kale ay ku jiraan xerada Kakuma.

Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Dhadhaab tusaale ahaan waxaa jiro qof halkaas ku dhashay oo maanta ilmo halkaas ku dhalay, Waxaa ku jira dad halkaas wax ku bartay, intooda badan waxaa laga yaabaa in aanay waligood arkin Soomaaliya ama xitaa in aanay rabin in ay dib usoo laabtaan.

November 10, 2013:  Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa heshiis ku kala saxiixdey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dalka Kenya,waxana heshiiska labada dhinac  ay isla garteen waxaa uu la xiriira sidii dib loogu celin laha qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.Waxaana heshiiskaan uu yimdi ka dib markii u qabsoomay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, Mudadii uu socdey shirkaan waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda UNHCR,waxana ka soo baxay heshiis dhigaya in qaxootiga ay si iskood ah dib ugu noqon karaan Soomaaliya,kaaso meesha ay ku kala saxiixdey Soomaaliya iyo Kenya.Soomaaliya waxaa heshiiskan qalinka ugu dugtay wasiiradda arrimaha dibadda ee Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo dhinaca dowladda Kenya ay u saxiixday wasiiradda arrimaha dibadda Aamino Maxamed, heshiiskan waxaa ka dhaqan galay in Qaxootiga qaar lagu soo celiyay dalka oo Xero looga dhisay Kismaayo dibadeeda kuwaas oo hadda degan, Kenya waa in ay sugtaa heshiiskaas.

9 iyo 18-ka April 2014: dowladda Soomaaliya ayaa dalka keentay dad Qaxootigaas ah oo si qasab ah lagsoo musaafurisay dalka Kenya, Diyaaradda hore waxay ay waday 82 qof tan dambe 91 qof. Dowladda Soomaaliya ayaa dadkaas soo dhaweysay.

April 8, 2015: Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in Dowlada Kenya waajib uu ka saaran yahay Ilaalinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool Xerada Dhadhaab ka dib markii Masuuliyiin ka tirsan Kenya ay sheegeen in qaraxyada ka dhaca Dalkaasi laga soo abaabulo Xeryaha Qaxootiga ee Waqooyi Bari Kenya.

Hadalkaan waxa sheegay Afhayeenka Hay’adaasi Emanuel Ibera oo u waramay BBC-da qaybta Afrika, waxaana uu carabka ku dhuftay, in Xeerarka Caalamiga aanu qabin in si qasab ah lagu celiyo Qaxooti ka soo cararay dalkooda.

April 17, 2015: Dowladda Soomaliya ayaa walaac ka muujisay Xaaladda qaxootiga Soomaaliya, sida ay qabaan shuruucda caalamiga ah iyo tan dareenka bini’aadamka xorta ahba, masuuliyadii Dawladda Kenya iyo beesha caalamka ka saarneyd nabadgelyada iyo daryeelka qaxootiga Soomaaliyeed weli way taagan tahay, maadaama colaadii iyo deganaasho la’aantii dhulkoodii weli si buuxda wax isaga bedelin.

Inkasta oo la dagaalanka argagixisadu wax weyn ka bedelay dareenkii isjeceylka bini’aadamka ee aduunka, hadana waxaa lama huraan ah in dawladaha iyo dadyowga aduunka yeeshaan samir, dulqaad iyo awood ay ku kala saaraan denbiilaha iyo dulmanaha.

Dawladda Soomaaliyeed waxay helaysaa warbixino naxdin leh oo la xiriira xaaladda dhinacyada amniga, nolosha qoyska iyo daryeelka caafimaadka ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka kenya.

2 April 2015, Dabley ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ee magaalada Garissa, Kenya,waxaa ku dhintay  150, waxaa ku dhaawactay 79 qof, dhacdadaas kadib Ruto ayaa go’aan gaaray.

July 2015: , Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya W. Rutu ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay ku wargaliyeen in Qaxootiga Soomaalida Kenya looga saaro 3 Bil, haddii kale ay iyaga iska saari doonaan.

May 2016: Wasiirka arrimaha gudaha Kenaya ayaa sheegay in ay dalkiisa xero doonaan Xeryaha qaxootiga.

June 8, 2016: Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku afgartay in soo celinta qaxootiga lagu saleyn doono heshiiskii 2013ka.

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye, Goobjoog News