U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta oo Ka Shirtay Badbaadinta Soomaalida Ku Go’doonsan Sudan

Sheeko:Caalamka
Guddiga xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA u saartay soo daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda dalka Sudan waxaa ayaa maanta waxaa u qabsoomay kulan deg-deg ah oo ay yesheen sida  loogu gurman lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Kulankaan oo uu Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan waxaana qeyb ka ahaa madax ka socta Hay’addaha kala duwan ee Dowladda iyadoo lagu faaqiday sida ugu fudud ee dadka Somaaliyeed ee ku go’doonsan dalkaas loona badbaadin lahaa.
Guddiga ayaa sheegay in sida loo soo badbaadin karo oo dalka loogu soo celin karo ay tahay in wadajir loogu istaago, xilli  kuwa badan oo u qaxay xaduudaha Sudaan ay la wadaagto Masar, Itoobiya,iyo South Sudan in loo sameeyo gurmad kasta oo la heli karo iyo in xaduudaha dalalka ay jogaan loogu furo.
Mas’uuliyiinta ayaa booqday kulanka kadib xarun loo diyaariyey in dadka go,doonsan ay kala soo xariiraan Hay’adda si loo badbaadiyo oo gurmad loogu fidiyo, muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku nool Sudan ayaa u badan Arday iyo kuwa deegaan ku ah dalkaas oo qoxooti ku ahaa muddo dheer.
Goobjoog News